Barnaamijka Cusub ee Dib-u-warshadaynta Qashinka Kafateeriyada

  • Barnaamij cusub oo lagu yareynayo qashinka ka dhasha kafateeriyada iskuullada SPPS, iyadoo islamarkaana kharash loogu baajinayo degmada.

    Barnaamijkan cusub oo lagu magaacbo ‘Organics for Composting’ ayaa wuxuu kordhin karaa tirada qashinka ah ee ay SPPS ka dhigi karto mid mar labaad dib loo isticmaalo. “Halkii aan markii hore aruurin jirnay cunnada haraaga ah si aan u geyno beeraha xayawaanka lagu koriyo, hadda waxaan aruurinaynaa waxyaabaha inta badan laga isticmaalo kafateeriyada sida waraaqaha afka iyo gacmaha lagu tirto, kuwa cunnada lagu rito iyo saxamada ka samaysan xaashida” ayey tiri Chelsea Moody, oo ah xiriiriyaha degmada ee barnaamijka Kooxda Adeegyada Bay’ada.

    “Shirkada Walter’s oo ah tan hadda qaadda qashinkanaga ayaa aruurin doonta noocan qashinka ah ee laga dhigi karo mid dib loo isticmaalo, iyadoo sidoo kalena aruurin doonta waxyaabaha dib loo warshadayn karo” Moody, ayaa intaa raacisay in arintani ay yareyn karto kharashaadka degmada.

    Qashinka waxaa loo geeyaa shirkadda Specialized Environmental Technologies (SET) oo fadhigeedu yahay magaalada Rosemount. Si ka duwan habka qashin aruurinta ee guryaha, iyadoo isticmaalaysa tignoolajiyad casri ah, shirkadda SET waxay isku daraysaa iskuna walaaqaysaa haraaga cuntada, xaashiyaha iyo qashinka daaradda si looga soo saaro walxo nafaqaysan oo loo isticmaalo baac-riminta carrada, kaddibna waxaa loo iib-geeyaa dukaanka The Mulch Store. Moody, waxay leedahay waxaan rajaynaynaa in SPPS oo qashinkeeda sanadkii hore loo diray beeraha xayawaanka lagu koriyo uu dhannaa 1,800 oo tan, in sanadkan in badan oo ka mid ah qashinka laga dhigi doono mid dib loo isticmaali karo.

    Moody, waxay leedahay durbadiiba ardaydu way la qabsadeen habka kala sooca ee noocyada qashinka. Mar kasta oo ay dhamaystaan cuntadooda, waxay qashinka ku daraan waxyaabaha caagga ka samaysan ee aan mar labaad la’isticmaali karin een dib loo soo habayn karin. Haraaga cuntada – oo hilibka iyo lafuhu ka mid yihiin – iyo waxyaabaha ka samaysan xaashiyaha ayay ku ridaan santuuqa qashinka dib loo soo warshadayn karo. Waxyaabaha dib loo warshadayn karo, sida baakadaha caanaha ama cabitaanka, waxaa lagu ridaa santuuqa qashinka dib loo soo warshadayn karo. Ugu dambayn, waxay isku kor rastaynayaan saxamada oo maran.

    In kastoo ay saxamada caagga ah ee dib loo isticmaalo ay caadi ka tahay iskuullada degmada SPPS, ma ahan mid u suurta galaysa iskuul walba. Marka ay noqoto in la’isticmaalo saxamada ah nooca halka mar la’isticmaali karo, SPPS waxay diyaar u tahay inay ku wareegto isticmaalka noocyada dib loo soo warshadayn karo ee loo isticmaali karo baac-rimin. “Marka la gaaro dhammaadka sanadka, dhammaan iskuullada u baahan inay isticmaalaan saxamada halka-mar la’isticmaalo, waxay isticmaali doonaan saxamo qashinkooda loo baddali karo walxaha wax lagu baac-rimiyo,” ayay tiri Moody. Iyadoo ku dhawaaqaday in iskuullada SPPS ay isticmaali doonaan saxamada hadda keydka ugu jira ee laga sameeyay waxa loo yaqaano ‘Styrofoam’ ka hor intaysan u wareegin isticmaalka saamada kale.