•  

    Ardayda iyo Qoysaska Qaaliga ah, 

    Marka aad dib u milicsataan natiijadii ka soo baxday dacwadii ka-dhanka ahayd sarkaalka Jeronimo Yanez, waxaa laga yabaa in arrintani ay ku keento caadifad dareen oo xooggan oo dhinaca maskaxda iyo jirkaba ah dadkii yaqaannay ee danaynayay arrimaha Philando Castile. 

    Arrintani waa musiibo ina wada saamaynaysa dhammaanteen, iyadoo dad bulshadeena ka mid ahna ay noloshooda gabi ahaanba baddashay. Bulshada Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul way xasuusnaan doonaan wayna ka tacsiyaynayaan geeridii ku timid “Mr. Phil," oo ahaa mid ka mid ah shaqaalaha SPPS loogu jeclaa waana loo xiisi doonaa.

    La-taliyeyaasha iskuullada ee degmadu waxay diyaar u yihiin inay la hadlaan cid kasta oo u baahata oo ardayda ama shaqaalaha ka tirsan marka uu billowdo barnaamijka xagaaga (Summer Term), bisha Juun, 19.

    Sidoo kale, maamulka Magaalada Saint Paul ayaa bulshada u qaban doona kulamo lagaga wada hadlayo bulshadana lagaga bogsiinayo dhacdadan.

    Mahadsanidiin, 

    Dr. John Thein