Barnaamijyada Waxbarashada Xagaaga ee Saint Paul Public Schools (SPPS)

  • Degmada Saint Paul Public Schools (SPPS) waxay ardayda dhigata fasallada PreK-12 siisaa Barnaamijyada Waxbarashada Xagaaga. Ardaydu waxay heli doonaan fursado ay ku bartaan waxyaalo cusub iyagoona xoojinayo xirfadaha tacliineed ee hadda jira; inay u diyaargaroobaan sannad-dugsiyeedka soo socdo iyada oo loo marayo hawlo waxbarasho oo firfircoon kuwaasoo leh madaddaalo iyo tijaabin; iyo inay horumar ka gaaraan dhanka qalinjebinta. Dhammaan barnaamijyadu waa BILAASH.

    Barnaamijyada Waxbarashada Xagaaga ee SPPS waxaa ka mid ah:

    • Caawinta Waxbarashada - Ardayda waxaa lagu dhiirrigelin doonaa inay bartaan xirfado cusub iyagoo kobcinayana fahamka akhriska, xisaabta iyo maaddooyinka kale.
    • Quraac iyo Qado - Dhammaan ardayda waxay helayaan laba cunto oo saxo fiican leh, ahna bilaash maalin kasta kuwaas oo ay ka mid yihiin cuntadii weyneyd, saladhyada, waxyaabaha la dubay, iyo miraha iyo khudaarta laga soo gooyay beeraha deegaanka.
    • Gaadiidka Iskoolka - Gaadiid ayaa loo heli karaa ardayda badankood ee ku nool Saint Paul (kuwaasoo lagu caddeeyay tilmaamaha gaadiidka). Isticmaal aaladda Raadiyaha Dugsiga (school finder) ee spps.org/apply si aad u heshid Aaggaaga (A-F1/F2).

    Isdiiwaangeli inta u dhaxayso March 15 iyo April 15 si aad u heshid fursadda ugu fiican ee gelitaanka barnaamijka aad dooratay. Isdiiwaangelinta mudnaanta leh waxay xirmaysaa April 15. Isdiiwaangelintu way ka furnaan doontaa barnaamijyada weli leh kuraas bannaan.

  • Iska diiwaangeli khadka online-ka: Qoysasku waa inay adeegsadaan magacooda iyo ereyada sirta ah ee lagu galo OneStop si ay u galaan Campus Parent. Markaad gashid Campus Parent, xulo “Diiwaangelinta Xagaaga (K-8).” Si aad u soo ceshatid ama aad mar kale u sameysatid eraygaaga sirta ah, booqo spps.org/families. Arjiyada codsiga sidoo kale waa la daabacan karaa, waxaana lagu soo celin karaa boostada ama qof ahaan ayaa loo keeni karaa. - Summer Registration, Student Placement Center, Saint Paul Public Schools, 2102 University Ave. W., Saint Paul, MN 55114. Haddii aad iska diiwaangelisid khadka online-ka ah, uma baahnid inaad buuxisid codsi warqad ah.

SHARRAXAADDA BARNAAMIJYADA

      Fasallada PreK-4

      • Fasallada PreK-4 Summer Star
        Ardaydu waxay ogaanayaan hibadooda iyagoo baranayo xirfado cusub iyo waxa ay xiiseeyaan iyagoo adeegsanaya mowduucyo leh xiiso badan kuwaasoo loo qabanayo si leh firfircooni, madaddaalo iyo tijaabooyin. Barnaamijka waxaa ku jira fasallada STEAM (Sayniska, Tignoolajiyada, Injineernimada, Farshaxanka, iyo Xisaabta), akhriska, dhaqaalaha, waxbarashada jirdhiska, muusiga, iyo farshaxanka. Urrurada Wilderness Inquiry, Saint Paul Public Library, iyo Minnesota Academy of Science waa qaar ka mid ah kuwo aynu iskaashanno oo ka barbar-shaqeeyo macallimiinteenna si kor loogu qaado waxbarashada  oo loo abuurana waayo-aragnimo waxbarasho oo xasuus leh xilliga xagaaga. 

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 28 (23 maalmood), 7:30 a.m.-1:30 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)

        Goobaha: 

        • Chelsea Heights Elementary, 1557 Huron St., Saint Paul (Aagagga E & C West)
        • Dayton’s Bluff Achievement Plus, 262 Bates Ave., Saint Paul (Aagga B)
        • Frost Lake Elementary, 1505 Hoyt Ave. E., Saint Paul (Aagga A)
        • Global Arts Plus Lower, 1023 Osceola Ave., Saint Paul (Aagga F)
        • Riverview West Side School of Excellence, 160 Isabel Street E., Saint Paul (Aagagga D & E East)

        Ardayda waxaa lagu qori iskool iyadoo lagu salaynayo ciwaanka laga soo qaadayo oo lagu soo celinayana xilliga xagaaga. Gaadiid ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka SPPS.


        Fasallada K-4 Luuqadda ee Language Immersion & Culture
        Ardeyda SPPS ee isku qoray barnaamijka luuqadda kale   wax lagu baranayo inta lagu jiro sannad-dugsiyeedka 2022-23 ayaa xirfadahooda luuqadeed ku dari karo fasallada Faransiiska, Isbaanishka, Hmong, ama Mandarin Chinese. Ka qaybgalayaasha aan horey ugu qorneyn barnaamijka luuqadda kale wax lagu barto intii lagu jiray sannad-dugsiyeedka 2022-23 ayaa waxay baran doonaan luuqadaha iyo dhaqanka Hindida Mareykanka kuwaasoo ay ku jiraan xayawaanka asaliga ah, deegaanka, farshaxanka iyo muusikada. Dhammaan ardaydu waxay helayaan inay horey u sii billaabaan waxbarashada sannad-dugsiyeedka soo socda iyadoo aysan ka lumeyn xirfadaha tacliimeed iyo jirdhiska jirka iyadoo la raacayo hagidda macallimiinta kuwaasoo taas la kaashanaya jaallayaasha bulshada.

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 28 (23 maalmood), 7:30 a.m.-1:30 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)

        Goobta: Adams Spanish Immersion, 615 Chatsworth St., Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiidka degmada oo dhan u safro ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka SPPS.


        Fasallada K-4 ee Power Scholars Academy
        Barnaamijka Power Scholars Academy waxa uu isku dhafaa waxbarid akadeemiyadeed iyo madaddaalo, hawlo waxbarasho oo tayeyn leh, safarrada gaaban ee waxbarasho iyo mashaariicda adeegga bulshada. Barnaamijka waxaa loogu talagalay inuu ka caawiyo ardayda inay helaan xirfado cusub oo tacliimeed si ay ugu fiicnaadaan sannad-dugsiyeedka soo socda. Barnaamijkan waxaa la dejiyay iyadoo lala kaashanayo YMCA iyo xarunta Saint Paul Promise Neighborhood iyadoo macallimiinta ay subaxdii la shaqeynayaan ardayda halka shaqaalaha YMCA-na ay ardayda la shaqeynayaan galabtii. 

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-August 4 (28 maalmood), 8 a.m.-3 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)

        Goobta: Highland Park Elementary, 1700 Saunders Ave., Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.


        Fasallada K-8 CDF Freedom Schools
        Freedom Schools waxay xoojiyaan xirfadaha  akhris-qorista iyadoo loo marayo Manhaj Wax-akhris-isku dhafan oo cilmi-baaris ku salaysan oo ay ku jiraan buugaag, agabyo iyo mashruucyo matalaya hiddaha iyo waaya-aragnimada ardaydeenna. Waxyaabaha aasaasiga ah waxaa ka mid ah Hero Elementary K-2; STEAM (Sayniska, Tiknoolajiyadda, Injineernimada, Farshaxanka, iyo Barashada xisaabta); munaasabado waalidka iyo qoyska lagu xoojinayo; ka-qaybgalka bulshada; dhabbaha loo maro shaqooyinka xirfadda leh; caafimaadka iyo fayo-qabka; ficil bulsheed; iyo safarro waxbarasho oo gaaban. Ardaydu waxay iska dhex arkaan hogaamiyayaasheenna waxbarasho ee tayada sare leh (servant leader educators) iyo lataliyeyaasha hogaamiyaha bulshada/ee mudan ku dayashada.

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-August 4 (28 maalmood), 8 a.m.-3 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)

        Goobaha: 

        • Capitol Hill Gifted and Talented, 560 Concordia Ave., Saint Paul (Aagagga D,E,F)
        • Hazel Park Preparatory Academy, 1140 White Bear Ave., Saint Paul (Aagagga A,B,C)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.


        Fasallada 3-8 STEM Environmental STEM (Sayniska Deegaanka, Farsamada, Injineernimada, Xisaabta)
        Ardaydu waxay wax ku bartaan hawlo tacliineed oo tijaabo ah iyo safarro waxbarasho oo gaaban iyadoo diiradda la saarayo Sayniska Deegaanka, Tignoolajiyada, Injineernimada iyo Xisaabta (E-STEM). Fasallada waxaa ka mid ah injineernimada, kombiyuutarrada (coding), dhismaha, isboortiga, barashada deegaanka, iyo wax karinta. Barnaamijkan waxaa suurtogeliyay 3M oo waxaana ku jira safarro gaaban oo badan oo ku taxalluqa STEM. 

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 28 (23 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada July 4)

        Goobta: E-STEM Middle School, 600 Weir Drive, Woodbury (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.

      Fasallada 5-8

      • Fasallada 5-8 ee Summer Quest
        Ardaydu waxay sahamiyaan mawduucyada xiisaha sare leh ee STEAM (Sayniska, Tignoolajiyada, Injineerinka, Farshaxanka iyo Xisaabta). Dhammaan ardayda waxaa lagu qoraa saddex fasal oo aasaasi ah (wax-akhris, xisaab, hoggaamin) iyagoo dooranayo laba fasal oo dookhooda ah. Fasallada dookh ahaan ay u qaadan karaan waxaa ka mid ah: beeraha/cunto-karinta, koodka, waxbarashada jirdhiska, farshaxanka/naqshadeynta, Lego Robotics, fanka tiyaatarka, biyaano, gitaarka, band/strings, muusiga dhijitaalka ah iyo mashruuca sayniska ee Project Scientist for Girls. Ardaydu waxay safar gaaban ku tagaan North Star Base Camp si ay isula shaqeeyaan oo madaddaalo u helaan.

        Mashruuca sayniska ee Project Scientist for Girls: Ardaydu waxay ku milmaan waxbarashada STEM (Sayniska, Tiknoolojiyada, Injineernimada, Xisaabta) ee ay baraan barayaal dumar ah. Khibradda waxaa ka mid ah sameynta tijaabooyin xiiso leh, safaro gaaban oo waxbarasho, iyo la shaqeynta maalin walba ay la shaqeynayaan haween ku dayasho leh ee takhasuska STEM kuwaasoo ka kala yimid goobo xirfadeed oo kala duwan. 


        Taariikhaha & Wakhtiyada Barnaamijka: June 26-July 28 (23 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma jiro dugsi Isniinta, Luulyo 3 & Talaado, July 4)

        Goobta: Washington Technology Magnet, 1495 Rice Street, Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.


        Fasallada K-8 CDF Freedom Schools
        Freedom Schools waxay xoojiyaan xirfadaha  akhris-qorista iyadoo loo marayo Manhaj Wax-akhris-isku dhafan oo cilmi-baaris ku salaysan oo ay ku jiraan buugaag, agabyo iyo mashruucyo matalaya hiddaha iyo waaya-aragnimada ardaydeenna. Waxyaabaha aasaasiga ah waxaa ka mid ah Hero Elementary K-2; STEAM (Sayniska, Tiknoolajiyadda, Injineernimada, Farshaxanka, iyo Barashada xisaabta); munaasabado waalidka iyo qoyska lagu xoojinayo; ka-qaybgalka bulshada; dhabbaha loo maro shaqooyinka xirfadda leh; caafimaadka iyo fayo-qabka; ficil bulsheed; iyo safarro waxbarasho oo gaaban. Ardaydu waxay iska dhex arkaan hogaamiyayaasheenna waxbarasho ee tayada sare leh (servant leader educators) iyo lataliyeyaasha hogaamiyaha bulshada/ee mudan ku dayashada.

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-August 4 (28 maalmood), 8 a.m.-3 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)

        Goobaha: 

        • Capitol Hill Gifted and Talented, 560 Concordia Ave., Saint Paul (Aagagga D,E,F)
        • Hazel Park Preparatory Academy, 1140 White Bear Ave., Saint Paul (Aagagga A,B,C)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.


        Fasallada 3-8 STEM Environmental STEM (Sayniska Deegaanka, Farsamada, Injineernimada, Xisaabta)
        Ardaydu waxay wax ku bartaan hawlo tacliineed oo tijaabo ah iyo safarro waxbarasho oo gaaban iyadoo diiradda la saarayo Sayniska Deegaanka, Tignoolajiyada, Injineernimada iyo Xisaabta (E-STEM). Fasallada waxaa ka mid ah injineernimada, kombiyuutarrada (coding), dhismaha, isboortiga, barashada deegaanka, iyo wax karinta. Barnaamijkan waxaa suurtogeliyay 3M oo waxaana ku jira safarro gaaban oo badan oo ku taxalluqa STEM. 

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 28 (23 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada July 4)

        Goobta: E-STEM Middle School, 600 Weir Drive, Woodbury (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.

      Fasallada 9-12

      • Fasallada 9-10 ee Experiential Credit Recovery
        Barnaamijka qibrad ahaanta dhibcaha loogu soo kabayo waa mid u eg oo misana ka duwan sannad-dugsiyeedka iyada oo looga qaybqaadanayo sameynta hawlo ah koorsooyinka culuumta kala duwan kuwaasoo diiradda lagu saarayo tijaabooyinka iyo dabaqidda nolosha dhabta ah. Tusaalooyinka koorsooyinka waxaa ka mid ah Wilderness Inquiry, Farm to Table, Culinary Arts, Welding (alxanka), Art History and Construction (Taariikhda Farshaxanka iyo Dhismaha). Qaababka waxbarashadu u dhaceyso waxaa ka mid ah safarrada gaaban ee la xiriiro maaddadan. Ardaydu waxay qaataan afar koorso xagaaga dhexdiisa iyadoo wadartu noqoneyso siddeed dhibcood. Koorso walba waxa wada bari doona laba macallin oo laysin u haysta laba maaddo oo kala duwan. Soo xaadiridda maalinlaha ah ee qof ahaanta la imaanayo waxay ardayga ka caawin waxbarashada iyo kasbashada dhibcaha maqan.

        Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 20 (17 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada July 4)

        Goobta: Humboldt High School, 30 Baker St. E, Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.


        Fasallada Credit Recovery & 9-12 EL Language Development
        Ardaydu waxay ka qaybqaataan koorsooyinka soo kabidda dhibcaha maqan kuwaas oo maaddada akadeemiyadeed lagu barto iyadoo la isticmaalayo habab kale oo waxbarasho. Ardaydu waxay waxbarashada la xiriiriyaan waxyaalaha ay xiiseeyaan sida K Pop, isbeddelka cimilada, shukulaatada iyo kubbada cagta. Ardayda barata luuqadda Ingiriisiga waxay sii wadanayaan horumarinta xirfadaha wax-akhris iyo qoraal. Jaallayaasha bulshadu waxay kobciyaan waxbarashada ardayga, halka shaqaalaha xagaaguna ay dhisaan jawi horusocod leh oo diiradda saaraya guusha ardayga.  Soo xaadiridda maalinlaha ah ee qof ahaanta la imaanayo waxay ardayga ka caawin waxbarashada iyo kasbashada dhibcaha maqan.

        Qeybta Koowaad ee Xagaaga

        • Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 20 (17 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)
        • Goobta: Humboldt High School, 30 Baker St. E, Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Qeybta Labaad ee Xagaaga

        • Taariikhaha & Wakhtiyada: July 24-August 16 (18 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m.
        • Goobta: Humboldt High School, 30 Baker St. E, Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiid degmada oo dhan ah ayaa loo hayaa ardayda xaqa u leh. Eeg Tilmaamaha Gaadiidka ee SPPS.


        Fasallada 11-12 ee Credit Recovery Intensive
        Ardaydu waxay la shaqeeyaan koox macallimiin ah iyo la-taliye si ay u dhammaystiraan duruusta koorsada iyadoo lagu saleynayo baahiyahooda gaarka ah. Marka koorsada ay dhammeeyaan, ardaydu waxay kasbadaan buundo oo waxay ka dibna markaas joojin karaan ka qeybgalka fasallada xagaaga ama waxay isku qori karaan koorso kale, haddii loo baahdo. Ardayda waxaa lagu qoraa fasallada baxo subaxda ama galabnimada. Nuska kale ee maalinta, ardayda waxaa lagu caawiyaa qolka Learning Lab  kaasoo siinaya internetka, meel xasilloon oo lagu shaqeeyo, iyo caawin ay ka helaan macallimiintooda. Soo xaadiridda maalinlaha ah ee qof ahaanta la imaanayo waxay ardayga ka caawin waxbarashada iyo kasbashada dhibcaha maqan.

        Qeybta Koowaad ee Xagaaga

        • Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 20 (17 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)
        • Goobta: Como High School, 740 Rose Ave. W, Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Qeybta Labaad ee Xagaaga

        • Taariikhaha & Wakhtiyada: July 24-August 16 (18 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m.
        • Goobta: Como High School, 740 Rose Ave. W, Saint Paul (Aagagga Dhammaan)

        Gaadiidka Metro Transit


        Fasallada 9-12 ee Credit Recovery Network
        Ardaydu waxay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan duruusta maaddada online-ka ah iyagoo isla markaana aayarkooda wax ku baranayo si ay ugu taagnaadaan dhabbada qalin-jebinta. Macallimiintu waxay ku jiri doonaan onlaynka si ay u caawiyaan ardayda inta lagu jiro wakhtiga loo qorsheeyay. Marka ardaygu dhammeeyo dhammaan duruustii loo diray oo ah buundo ah boqolkiiba 60% ama ka badan, waxaa la siin doonaa dhibic. Duruusta koorsada waa in la dhammeeyaa dhammaadka qeyb walba ee xagaaga ah oo looma rari karo qeyb kale oo xagaaga ah. Fursaddan waxa lagula talinayaa ardayda xamaasadda u hayo duruusta ee si madaxbannaan wax u baran karo kuwaasoo leh xirfadaha wax-akhriska ee heerka fasalkooda. Ardaydu waa inay ku dhameeyaan koorsada xilliga qeybta xagaaga ee markaas lagu jiro.

        Qeybta Koowaad ee Xagaaga

        • Taariikhaha & Wakhtiyada: June 26-July 20 (17 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m. (Ma Jiro Iskool Isniinta, July 3 & Talaadada, July 4)
        • Goobta: Online (Aagagga Dhammaan)

        Qeybta Labaad ee Xagaaga

        • Taariikhaha & Wakhtiyada: July 24-August 16 (18 maalmood), 8:45 a.m.-2:45 p.m.
        • Goobta: Online (Aagagga Dhammaan)