Xiriir La Samee Waaxda Waxbarashada Gaarka ah

  • Haddii aad qabto su’aal ku saabsan waxbarashada gaarka ah ama adeegyada laga bixiyo Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, waxaad:

    • Fiirin kartaa bogga ay ku qoranyihiin Su’aalaha Had-iyo-goor La’is-weydiiyo.
    • Soo diri kartaa farriin adigoo isticmaalaya foomkan tooska ah ee hoose. (Waxaa kula soo xiriiri doona qof ka shaqeeya xafiiska Waxbarashada Gaarka ah kana jawaabi doona su’aalahaaga.)
    • Wici kartaa xafiiskanaga wayn ood kala xiriiri karto lambarkan 651-767-8321.

    Haddii aad wax walaac ah ka qabto Qorshaha Waxbarashada Gaarka ah (IEP) ee ilmahaaga iyo adeegyada uu helo, si aad u soo gudbiso walaacaaga, fadlan raac tallaabooyinkan soo socda:

    1. Soo gudbinta walaaca aad qabto ee heer fasal: walaaca aad qabto kala hadal macallinka ilmahaaga.
    2. Soo gudbinta walaaca aad qabto ee heer Iskuul: walaaca aad qabto kala hadal maamulaha iskuulka ilmahaaga.
    3. Soo gudbinta walaaca aad qabto ee heerka Xafiiska Adeegyada Gaarka ah: nala soo xiriir adigoo isticmaalaya foomkan tooska ah ee hoose ama toos nooga soo wac lambarkan 651-767-8321.

    Link: Office of Specialized Services’ Organization Chart (dukumiintagani wuxu ka koobanyahay lambarada telefoonada ee kormeerayaasha iyo waliba iskuullada ay kormeeraan)

    Waxaan xiisaynaynaa inaan kula hadalno!

    Brenda Natala
    Agaasimaha Fulinta, Xafiiska Adeegyada Gaarka ah 
    Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul 
    brenda.natala@spps.org