SOOMAALI

    1. Kulanka Gudoonka Waxbarashadu wuxuu billoowdaa 5:30 galabnimo waana marka ay billaabanayso wakhtiga dadwaynaha loo qorsheeyey. Wakhtiga dadwayhaha loo qorsheeyey wuxuu ugu badnaan noqonayaa 30 daqiiqo. Arimaha kale ee Guddoonka Waxbarashadu kawada hadlayo waxay si aan kala go’lahayn u billaabanayaan 6:05 ee galabnimo ama ka horba haddii aanay jirin cid dadwaynaha ka socata oo dood qabta.
    2. Waxaa shardi ah inay dadka dooda soo jeedinaya horay u sii saxiixaan ayagoo email u soodiraya ama soo wacaya Xoghaynta Guddoonka Waxbarashada (sarah.dahlke@spps.org / 651-767-8149). Haddii aanay horey u soo saxiixin waxaa loo ogolaanayaa xubnaha dadwaynaha ka socda ee inay hadlaan doonaya inay albaabka ku saxiixaan balse saxiixu wuxuu dhamaanayaa 5:30 galabnimo oo ah wakhtiga ay dooda dadwaynuhu bilaabanayso. Waxaad qoraysaa magacaaga, cinwaankaaga talefoonkaaga ama emailkaaga arinta aad ka hadlaysid (waxyaabaha laga hadlayo haday tahay mid shirka markaa taagan lagaga hadlayo oo ajandihiisa ku jirta) ama waxaad ka hadli kartaa wax aan ajendahaku jirin.
    3. Habka dadka ka hadlaya kulanka loogu kala yeerayo waa sidan: ardayda, dadka ka hadlaya waxa kulunku ku saabsanyahay, kadibna habka ay magacyada dadka kale usoo kala horeeyeen iyadoo tixgalin la siin doono dadkii aan hadlin saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa dhici karta in wakhtiga qof walba loo qoondeeyay la yareeyo si lay u suurto gasho in dhammaan dadku ay helaan fursad ay fikirkooda ku dhiibtaan mudada 30 daqiiqo ah ee loo qoondeeyey.
    4. Qof walba waxaa la siindoonaa (3) daqiiqo ama (wax ka yar sida kor aan ku sheegnay). Waxaa la is ticmaalyaa saacad lagu ilaaliyo wakhtiga uu baaq bixinaysa marka uu wakhtigu kaa dhamaado.
    5. Fadlan hadalkaaga HAKU SOO DARIN magacyada shaqaalaha Dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul, darajadooda, ama magaca meesha ay ka shaqeeyaan inaad sidaa yeeshaana adiga ayey sharci ahaan ku badbaadinaysaa waxayna xafidaad u tahay xaquuqda sharciga ah ee shaqaalaha. Arimaha aan lagu soo dari karin waxaa ka mid ah waxyaabaha cadaynaya macagaca iskuulka, fasalka ama darajada shaqada qofku hayo taas oo qofka si la wada ogsoon yahay u soo badhigaysa. Arimaha la xiriira shaqaalaha iskuulada degmada waa in qoraal lagu soo gudbiyaa waaxda qaabilsan shaqaalaha (Human Resourses) iyadoo shaqaalaha la cadeeyaa magaciisa, darajadiisa, meesha uu ka shaqeeyo, iwm.
    6. Fadlan saxiix Warqada la Saxiixayo, si laguu siiyo diiwaan dhamaystiran oo ku saabsan waxyaabaha aad walaaca ka qabto taas oo fududeynaysa shaqada maamulka. Sidoo kale waxaad ra’yigaaga oo qoran u soo gudbin kartaa Guddonka Waxbarashada.  

    Anagoo tixgalinayna caddaalada ay mudanyihiin dhammaan ka-qaybgalayaashu, haddaba waxaan codsanaynaa inaad xushmaysaan habka arintaan loo dejiyey. Waxaad ku mahadsantihiin inaad nala wadaagtaan figradihiina iyo talooyinkiina.