Soomaali: Library Go

  • Library Go

     

    Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul iyo Maktabadaha Dadweynaha Saint Paul waxay soo ban-dhigayaan barnaamijka Library Go, oo ah barnaamij lacag la’aan ah oo dhammaan ardayda siinaya kaararka maktabadaha.

     

    • 42,004 oo arday ayaa macluumaadkoodii lagu soo shubay diiwaanka maktabadaha SPPL – Barnaamijka Library Go wuxuu iminka u adeegi karaa dhammaan ardayda SPPS
    • 858 oo ah kaararka e-cards ayaa loo sameeyay shaqaalaha SPPS – guusha laga gaari karo barnaamijka Library Go waxay ku xirantahay macallimiinta oo si siman oo waafi ah u hela fasax ay ku guda-gali karaan barnaamijka, si ay uhelaan fasax ay ku daalacdaan macluumaadka SPPL ee ku keydsan internet-ka, macallimiintu waxay  buuxin karaan foom yar oo sahlan.
    • 17,000 oo ah qalabka maktabadaha ayaa la adeegsaday (buug, DVD, iwl.) – Barnaamijka Library Go wuxuu ardayda u oggolaanayaa inay ka amaahdaan maktabadaha ilaa 5 shay/waxyaabood halkii marba.
    • In ku dhow 20,000 oo ah e-books ayaa la amaahday iyadoo la’isticmaalayo qalabka OverDrive iyo habka loo yaqaano Cloud Library.
    • Isticmaalka adeegyada ka kaalmeeya ardayda shaqada guri (homework) oo 15% kor u kacay intii lagu jiray sanad-dugsiyeedkii 2015-2016.
    • Isticmaalka barta SPPL ee macluumaadka dhallinyarada iyo bogogga kale oo kor u kacay iyagoo mararka qaar gaaray 1,000%.

    Shaqaalaha maktabadaha ee SPPS oo kaalmaysanaya kooxda barnaamijka Library Go, ayaa xiriir la samaynaya ardayda xilli dhow qalin-jabiysa si loogu dhiirri galiyo inay qaataan kaarka maktabada oo ay si buuxda u isticmaali karaan ka hor inta aysan kaararkoodu dhicin. Tani waxay tusaale u tahay sida ay wadashaqayntu muhiim u tahay anagoo xaqiijinayna in ay dhammaan ardaydeenu helaan waxbarasho iyo tacliin aan kala go’ lahayn.