SPPS Waxay Ardayda siinaysaa Cunto Lacag-la’aan ah Xilliga Xagaaga

  • Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul (SPPS) waxay cunto lacag-la’aan ah siinayaan carruurta da’doodu tahay 18 jir iyo wixii ka yar, iyo waliba dadka jira 19 sano iyo wixii ka wayn oo qaba naafo jirka ama maskaxda ah islamarkaana ka qayb-qaata barnaamijyada loogu tala galay dadka naafada ah ee ka baxa iskuullada dadweynaha, kuwa gaarka ah ama kuwa hay’adaha aan dawliga ahayn.

    Barnaamijka Cuntada ee Xagaagu wuxuu billaabanayaa Talaadada, Juun 13’keeda wuxuuna socon doonaa ilaa Jimcaha, Agoosto 25’keeda ee sanadka 2017. Cuntada waxaa lagu diyaarin doonaa in ka badan 60 goobood oo ka mid ah degmada, waxaana goobaha ka mid ah meelaha ay bulshadu ku kulanto, xarumaha lagu nasto iyo waliba iskuullada. Iyadoo loo eegi doono saacadaha ay goob walba adeeggan fidinayso, cuntada waxaa ka mid ah, quraac, qado, casho ama cunto fudud.

    Si aad u ogaato wakhtiga iyo goobaha cuntada laga bixinayo, fadlan booqo www.fns.usda.gov/summerfoodrocks ama spps.org/ns. Sidoo kale, qoysaska iyo ilmahooduba waxay wici karaan lambarka macluumaadka ee hay’adda United Way 2-1-1 (651-291-0211) ama waxay farriin qoraal ah u diri karaan 612-516-FOOD si ay u helaan goobta cunta-bixinta e ugu dhow. Wac 1-866-3-HUNGRY ama 1-877-8-HAMBRE (dadka ku hadla Spanish-ka) si aad u hesho goobta kuugu dhow ee laga bixinayo cunto nafaqaysan oo lacag la’aan ah.

    Barnaamijka Cuntada ee Xagaaga waa barnaamij ay maal galiso dawlada dhexe waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo in dadka dakhligoodu yaryahay si ay ilmahoodu u helaan cunto inta uu iskuulku xiranyahay. Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay ahaayeen kuwo ka qayb-qaata barnaamijkan in ka badan 25 sano, iyadoo xilliyadii xagaaga ee lasoo dhaafay ay ardayda siiyeen in ka badan 375,000 cunto.