Barnaamijyada Operation Warm iyo Project REACH labaduba waxay ku kaalmeeyaan ardayda jaakado

  •  

    Mashruuca REACH/isku xirka ilmaha iyo waalidiinta u baahan korriinka waa barnaamijyo SPPS ay leedahay oo kaalmeeya qoysaska iyo carruurta yar yar ee hoy la’aantu hayso ama u baahaan korriin.

    Shaqaalaha bulshada ee Mashruuca REACH waxay gacan ka geystaan caawinta qoysaska sidii ay u heli lahaayeen hoy iyo goob ay ku noolaadaan. Mashruucu wuxuu sidoo kale qoysaska ku xiraa dhakhaatiirta guud iyo kuwa ilkaha, goobo ay ka heli karaan cunto, agabka iskuulka, dharka uniform-ka ah iyo waxyaabo kale oo ku adag in dadka hoy la’aanta ah ay helaan. Mashruuca REACH wuxuu leeyahay dad ka caawiya carruurta leyliga/shaqada guri kuwaas oo ugu taga qoysaska hoyga ay degganyihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, sanadkan, mashruuca REACH wuxuu sameynayaa isku-xirkii ugu muhiimsanaa: isu-keenida iyo isku-xirka ardayda iyo koodhah/jaakado u suura galiya inay si nabad ah ku aadaan iskuulka xilliga qabobaha ee daran. Qoysas badan ayaan heli karin jaakadaha, ama ku nool gawaarida gudohooda oon helaynin kuleyl ku filan. Mararka qaar waxaa dhici karta in ardaygu sanadka intii lagu jiray uu qoyskoodu dhowr meelood u guuray oo sidaas darteed aanu wadanin jaakad laga xirto qabowga. Marka la gaaro xilliga barafka iyo qobowga, waxaa dhici karta in aysan u diyaarsanayn. 

    Waad caawin kartaa. Mashruuca REACH wuxuu u baahanyahay kaalmo dhinaca jaakadaha, koofiyadaha qabowga, iyo waliba bustayaal inta lagu jiro bilaha qobowga. Labo sano ka hor waxaan waddanka oo dhan ka helnay jaakado badan iyo lacag ka dib markii qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga la faafiyey. Baahida loo qabo kaalmo iyo taakulo wali way jirtaa innagoo isticmaalayna barnaamijka wanaagsan ee Operation Warm (Fiirso Fiidiyowga). Mashruuca REACH wuu soo dhaweynayaa kaalmadaada. 

    Wixii macluumaad ee dheeraad ah kala xiriir anne.mcinerney@spps.org, ama keen kaalmadaadaa xafiiska Project REAH, 1021 Marion in Saint Paul. Waxaad sidoo kale halkan ku soo gudbin kartaa kaalmadaada lacageed: https://goo.gl/1czxW8.