Goobaha Ka Qeyb-galka Cuntada Thanksgiving-ka, Xafladaha iyo Adeegyada kale

  • Maalinta Mahad-Celinta (Thanksgiving) waxay noqonaysaa Khamiista, Nofeebar 24, Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul waxay xirnaan doonaan Nofeembar 24-25. Waxaa hay’adaha maxalliga ah caado u ah inay cunto bixiyaan maalintan. Hoos waxaa ku qoran goobo ka mid ah Magaalooyinka Mataanaha ah oo laga bixin doono cunto lacag la’aan ah ama qiimo jaban.

    Union Gospel Mission: Sanadka oo dhan Union Gospel Mission waxay dadka baahan siinayeen cunto. Snadkan cuntada Thanksgiving-ka waxaa la bixin doonaa 11:30 barqinimo – 1 galabnimo iyadoo lagu bixin doono dhismaha qeybtiisa sare (435 University Ave. E., St. Paul).

    Salvation Army: Salvation Army waxaa lagu karin doonaa islamarkaana laga bixin doonaa turki, baradho macaan, iyo karenbari, waxayna u dhici doontaa qaabkan:

    • Cuntada waxa la qeybin doonaa 11:30 barqinimo - 2 galabnimo waxaana lagu bixin doonaa Harbor Light, oo ku taalla 1010 Currie Ave. Minneapolis.

    Loaves and Fishes: Goobo kale ayaa laga bixin doona cunto. Fiiri qoraalkan hoose:

    • Dorothy Day (4:30 - 5:30 galabnimo) - 183 Old Sixth St., St.Paul
    • Gethsemane (5:30 - 6:30 galabnimo) - 2410 Stillwater Rd E., St. Paul