Lataliyeyaasha oo ka shaqeynaya joojinta xoog-sheegashada (bullying)

  • Maadaama oo bisha Oktoobar ee 2016 ay noqonayso sanad-guuradii bisha ka hortagga xoog-sheegashada National Bullying Prevention Month, SPPS waxay horseed ka tahay dadaalka lagaga hortagayo xoog-sheegashada bil walba oo sanadka ka mid ah. Dhammaan 119-ka lataliyeyaal ee degmadu leedahay oo ay – 36 ka mid ah takhasus ka haystaan American School Counselor Association una leeyihiin xirfad ka hortagga xoog-sheegashada – ayaa sanadka oo dhan ka shaqeynaya sidii ay ardayda iyo sahqalaha u bari lahaayeen qaabka looga hortagi karo xoog-sheegashada.

    Tusaale, sanadkan lataliyeyaasha dugsiyada hoose oo dhan waxay soo bandhigi doonaan shan cashir oo ku saabsan xoog-sheegashada ooy u soo bandhigi doonaan ardayda fasal kasta. Lataliyeyaashu waxay la shaqeeyaan ardayda iyo macallamiinta si faham mid ah looga wada qaato waxa ay tahay xoog-sheegashada; qaababka kala duwan ee looga hor tagi karo; iyo sida ama qaabka ay dadka goob jooga ah goobta ay xoog-sheegashadu ka dhacayso ay u dhex gali lahaayeen.

    Lataliyeyaashu waxay sidoo kale hormuud ka yihiin dadaalo lagaga hortagayo xoog-sheegashada oo ka dhacaya dugsiyada dhexe ee SPPS. Waxay ka dhaqan galiyeen dugsiyo dhexe oo badan waxa loogu yeero “listening lockers” oo ah: sanduuq ay ardaydu ku soo gudbin karaan warbixinada la xiriira xoog-sheegashada ee ayaga ku dhacda amaba ardayda kale.

    Barnaamijka Where Everybody Belongs (WEB) ayaa isna ka mid ah ilaha muhiimka ah ee dugsiyada dhexe. Iyadoo la adeegsanayo barnaamijkan waddanka oo dhan laga aqoonsanyahay, ayaa radayda fasallada siddeedaad lagu siiyaa tabobar ah qaabkii ay hab wanaag ku salaysan ugu dhex gali lahaayeen marka ay la kulmaan xaaladan oo kale, ayna u noqon lahaayeen kuwo u noqda da’yarta kale hogaamiyeyaal iyo macallimiin.

    Dugsiyada sare intooda badan waxay isticmaalaan Link Crew oo qeyb ka ah barnaamijka Focus on Freshmen. Link Crew waa barnaamij loogu talagalay inuu u noqdo soo dhaweyn ardayda fasallada sagaalaad sanadka ugu horeya ee ay ku cusubyihiin iskuulka. Ardayda fasallada kow-iyo-tobnaad iyo labo-iyo-tobnaad ayaa u sameeya latalin iyo caawin ardayda fasallada sagaalaad si ay u guulaystaan.

    Iyadoo lagu saleynayo qorshe ballaaran oo iskuulka oo dhan ah iyo hoggaamin fasallada ah – oo islamarkaana la bixinayo tusaalooyin ku dhisan wanaag, xushmad iyo xiriir dhinaca ilmaha iyo dadka waaweynba ah – latalaiyayaasha iskuullada ee SPPS waxay ka ciyaaraan door muhiim ah in iskuulladu noqdaan kuwo ammaan ah oo jawigooduna daganyahay.

    Warbixinadii ugu dambeeyay ee ammaanka iskuullada waxaad kala socon kartaa adoo booqonaya spps.org/safeschools.