Return to Headlines

Soomaali: Wararka Hadda ka Socdo SPPS - January 25, 2024

Qorshaha Xilliga Qaboobaha

Laga billaabo January 2024, Qorshaha Cimilada Jiilaalka ee soo socda ayaa ka dhaqangelayo dugsiyada Saint Paul Public Schools: Labada maalmood ee ugu horreeya ee quseeya cimilada daran kuwaasoo ku xambaaro degmada SPPS inay go'aansato inay joojiso iskoollada, waxay maalmahaas noqon doonaan kuwo aysan duruus jirin. Ardaydu waa inaysan imaan iskoolka, MANA JIRI doonto waxbarasho "onlayn ah maalintaas." Ka dib laba maalmood oo aysan duruustu bixin sababo la xiriira cimilada, go'aanka ah in la isticmaalo maalin waxbarasho onlayn ah ama maalin aan duruus jirin ayaa noqonayo mid u yaalla SPPS oo sidii la quman wax u go'aaminayso.

Kooxda Doodda ee Dugsiga Central Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Gobolka

Ardayda Central High School Kiernan Baxter-Kauf iyo Max Ulven ayaa kaalinta koowaad ka galay Tartanka Doodda Dugsiga Sare ee Gobolka Minnesota (Minnesota State High School League Debate State Tournament), qaybtiisa Siyaasadda Dadweynaha. Hambalyo ardaydan iyo guushan weyn ee muuqata!

Booqashada Iskoollada & Xilliga Kama Dambaysta ah ee Arjiga Xulashada Iskoollada ee La Kordhiyay

Weli waxaa jira wakhti haddii aad codsaneysid iskool kale oo SPPS ah sannadka 2024-25. Booqo spps.org/apply si aad u heshid iskoolka ku habboon ardaygaaga. Booqashada iskoolka lagu tusayo (open houses) ayaa hadda socdo oo waana fursad weyn oo lagu booqdo iskoollada aad xiiseynaysid. Taariikhaha iyo wakhtiyada booqasho ka eeg bogga spps.org/openhouses. Soo buuxi arji ugu dambeyn wakhtiga kama dambaysta ah ee la kordhiyay oo ah February 23 si aad u heshid fursadda ugu fiican ee aad ku geli kartid iskoolka aad dooratay.

Dabaaldegga Maalinka Jiilaalka ee u Socodka Iskoolka

Ha u oggolaanin jiilaalku inuu kugu xannibo gudaha--gasho galoofyadaada iyo kabaha barafka oo u dabbaaldeg Maalinka Jiilaalka ee u Socodka Iskoolka (Winter Walk to School Day) oo ah February 7! Dhammaan qoysaska waxaa lagu martiqaadayaa inay ku soo biiraan socodka. Socodku waa hab fiican, oo caafimaad leh oo lagu tago iskoolka, xitaa xilliga jiilaalka. Hubso inaad kala xiriirtid iskoolkaaga arrinkan si aad u ogaatid inay qorsheynayaan inay socodka u dabaaldegayaan maalin-dugsiyeed kale. Wixii xog dheeraad ah, booqo spps.org/Page/40786.

Fursadda Imtixaanka Labada Luuqadood ee Bilingual Seals ee Fasallada 10-12

Ardayda dhigata fasallada 10-12 ee ku hadla in ka badan hal luuqad waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay qaataan imtixaanka laba luuqadood ee Bilingual Seal assessment si ay u helaan aqoonsi ku aaddan heerka xirfadahooda luqadeed. Imtixaankan waxaa lagu heli karaa 30 luqadood. Ardayda hesha dhibco sare waxay luuqad walba kasban karaan ilaa 20 dhibcood oo jaamacadeed oo lacag la'aan ah. Ardaydu waxay isdiiwaangelin karaan iyagoo adeegsanaya foomkan ilaa January 31, 2024. Wax badan ka baro imtixaanka labada luuqadood ee Bilingual Seal oo booqo spps.org/languages.

U Dabaaldeg Maalinta Ka Qeybgalka Waalidka ee Afrikaanka Mareykanka 

Maalinta Qaran ee Ka-Qaybgalka Iskoollada ee Waalidka Mareykanka Madow ah ee National African American Parent Involvement Day (NAAPID) waa February 12. SPPS waxay degmada oo dhan u dabaaldegi doontaa maalintan iyada oo iskool walba goonidiisa loogu qabanayo munaasabadaha. Maalinta waxay ku dhamaan doontaa dabaaldeg ka dhacayo iskoollada degmada iyo bandhigga ilo xogo kaasoo lagu qabanayo dugsiga Benjamin E. Mays Elementary 5:30 p.m. Booqo bogga iskoolkaaga si aad u heshid xogo ku saabsan dabaaldegyada goonida u ah iskoolka. Wixii xog dheeraad ah ee ku saabsan bandhigga iskoollada degmada, booqo spps.org/naapid.

Ilaha Xogo ee Caafimaadka Daroogada iyo Kiimikada

Degmada SPPS waxay daneynaysaa caafimaadka guud iyo fayo-qabka ardayda aan u adeegno. Laga soo billaabo May 2023, xafiiska caafimaadka ee dugsi walba waxaa lagu qalabeeyay dawada la dhaho nalooksoon (naloxone), oo ah daawo badbaadinaysa nolosha taasoo dib u celin karta ku sumoobidda daroogada oobiyoodka. Boggan waxaa ku jira xogo qoysaska ka anfacayo waxa la sameeyo haddii aad ka shakisid qof nawaaxigaaga ka dhow inuu saa'id u badsaday daroogada ama khamriga.

Taariikhdan Meel ku Qoro: Bandhigga Hore ee Ka Fekeridda Kolleejka iyo Shaqada Xirfadeysan

Kaalay baro wax badan oo ku saabsan fursadaha ku aaddan mustaqbalka ardaygaaga oo imow Bandhigga Hore ee Ka Fekeridda Kolleejka iyo Shaqada Xirfadeysan ee sannadlaha ah kaasoo dhacayo Sabtida, February 17, iyo dugsiga Harding High School. Munaasabaddan gaarka ah, waxaad fursad u heli doontaa inaad la kulantid Wakiillada, ardayda, shaqaalaha qaabilsan qaadashada ardayda ee Kolleejooyinka iyo Jaamacadaha Taariikh ahaanta Ardayda Madow u badnaayeen (HBCU), iyo shaqo-bixiyeyaasha maxalliga ah. Ardayda ka qeybgaleysa carwada waxay fursad u heli doonaan inay codsadaan booqashada kolleejyada HBCU ee dayrta.

Xusuusinta Taariikhaha Kal-Tiriska

  • January 25: Dhammaadka Rubuca 2-aad ee Simistarka
  • January 26:  Iskool ma Jiro - Horumarinta Xirfadda Macallimiinta iyo Buundo-bixin
  • February 1-29: Bisha Maamuusidda Taariikhda Madowga Mareykanka
  • February 12: Maalinta Qaran ee Ka-Qaybgalka Iskoollada ee Waalidka Mareykanka Madow ah ee National African American Parent Involvement Day (NAAPID)
  • February 12: Iskool ma jiro - waa dugsiga Crossroads Elementary keliya