Return to Headlines

Soomaali: Wararka Hadda ka Socdo SPPS - January 11, 2024

Wakhtiga kama Dambaysta ah oo la Kordhiyay si loo Xusho Iskool Fiican!

Haddii aad codsaneysid iskool kale oo SPPS ah sannad-dugsiyeedka  2024-25, booqo spps.org/apply si aad u heshid iskoolka ku habboon ardaygaaga. Booqashada iskoolka lagu tusayo (open houses) waa fursad kale oo aad wax badan uga baran kartid iskoollada ku xiiso-gelinaya. Booqashada iskoolka lagu tusayo ee jiilaalka waxay billaabanayaan January; halkan ka hel taariikhaha iyo wakhtiyada. Soo buuxi arji ugu dambeyn wakhtiga kama dambaysta ah ee cusub ee la kordhiyay oo ah February 23 (kaasoo markii hore ahaa February 9) si aad u heshid fursadda ugu fiican ee aad ku geli kartid iskoolka aad dooratay.

SPPS oo Uruurineysa Jaakado iyo Busteyaal

Waxaad ku mahadsan tihiin tabarrucaaddii mashruuca Proiect REACH ee bixinta hadiyado iyo alaab carruurtu ku ciyaarto. Mahad ha naga gaarto deeqsinimada bulshadeenna SPPS, oo in ka badan 300 oo carruur ah oo ay haysato guri la'aan iyo kuwa ku jira guryaha lagu daryeelo carruurta korayso ayaa helay 2-3 hadiyadood midkiiba, kuwaasoo ay u dheer yihiin jaakadaha xilliga qabowga, bustayaal iyo cunto. Mashruuca REACH weli wuxuu aqbalayaa busteyaal iyo jaakado cusub oo ah cabbir walba (carruurta socodbaradka ah, dhallinyarada, dadka waaweyn) ilaa iyo 19-ka January. Fadlan wixii tabarrucaad ah noogu keen 1021 Marion Street.

Soo dhawaada Xubnaha Cusub ee Guddiga Waxbarashada

Xubno cusub iyo kuwo dib loo doortay oo ka tirsan Guddiga Waxbarashada ayaa loo dhaariyay xilkii ay qaadeen xaflad lagu dhaarinayay 9-kii bishan January. Xubnaha cusub ee la doortay Yusef Carrillo, Carlo Franco iyo Erica Valliant, iyo mid dib loo doortay oo ah Chauntyll Allen ayaa dhammaantood la dhaariyay. Waxay ku biirayaan xubnaha soo noqonayo ee kala ah Jim Vue, Halla Henderson iyo Uriah Ward oo ka tirsan toddobada xubnood ee Guddiga Waxbarashada. Kala soco faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Guddiga boggan: spps.org/boe.

La Dabaaldeg SPPS Sannadka Cusub ee Karen 2763!

Nagu soo biir Jimcaha, January 12, Washington Technology Magnet Schoo si loogu dabaaldego dhaqanka Karen iyo Sannadka Cusub ee Karen-ka ee 2763! Munaasabadda waxaa ka mid ah qoob ka ciyaarka iyo bandhigyada masraxeed, bandhig dharka ah, muusikada, cuntada iyo madaddaalo kale. Dabaaldeggu wuxuu billaaban 5:30 galabnimo.

Isticmaalidda Kharashka iyo Dulmaridda Saameynta COVID

Degmada SPPS waxay heshay $206.9 milyan oo ah maalgelinta samatabixinta COVID-19 ee federaalka, oo loo yaqaan Qorshaha Samatabixinta Mareykanka (ARP), taasoo la isticmaali doono ugu dambeyn September 2024. Muddo saddex sano ah, degmada SPPS waxay billowday, xoojisay ama sii wadday hirgelinta 75 istiraatiijiyadood oo gaar ah si wax looga qabto natiijooyinka ardayga ee muddada dheer saameeyay safmarkii COVID-19. Dib u eeg isticmaalidda qarashyadan iyo dulmarka saameynta si aad u ogaatid sida ay degmada SPPS u isticmaashay lacagaha ARP si ay uga faa'iideyaan ardayda, shaqaalaha iyo bulshada.

Xusuusinta Taariikhaha Kal-Tiriska

  • January 16: Iskool ma Jiro - Martin Luther King Day
  • January 25: Dhammaadka Rubuca 2-aad ee Simistarka
  • January 26:  Iskool ma Jiro - Horumarinta Xirfadda Macallimiinta iyo Buundo-bixin