Return to Headlines

Soomaali: Wararka Hadda ka Socdo SPPS - December 21, 2023

Warkii u Dambeeyay ee Billaha ah ee Miisaaniyadda Degmada ee Sannadka 2025

Waad ku mahadsan tihiin in ka badan 10,000 ee ah qoysaska, ardayda, shaqaalaha iyo xubnaha bulshada ee nala wadaagay waxyaalaha mudnaanta u leh waxbarashada iyagoo yimid kulamada wadahadalka dadweynaha, soona buuxiyay ra'yi-uruurinta, iyo foomka talo-bixinta miisaaniyadda 2025. Bishii la soo dhaafay, waxaan idinla wadaagnay qoraal ahaa dulmar guud oo ku saabsan kulamadaan wadahadlka. Bishan, waxaan aqoonsannay seddex arrin oo mudnaan leh kuwaasoo gacan ka geysan doona hoggaaminta go'aannada miisaaniyadda 2025. Waxaan sidoo kale abuurnay liis dhamaystiran oo ka kooban jawaabaha su'aalaha inta badan la isweyddiiyo ee ku saabsan miisaaniyadda. Fadlan booqo spps.org/fy25budget oo fiiri Warka Cusub ee Miisaaniyadda ee Bisha December 2023 si aad u aragtid meelaha mudnaanta u ah miisaaniyadda, su'aalaha soo noqnoqda, iyo inaad nala wadaagtid talo-bixintaada.

Codso Iskoollada SPPS ee Sannad-Dugsiyeedka 2024-25!

Waa xilligii la xulan jiray iskool fiican ee sannad-dugsiyeedka 2024-25! Arjiga iskoollada ee sannad-dugsiyeedka 2024-25 ayaa hadda la heli karaa. Si aad u heshid fursadda ugu fiican ee aad ku geli karto iskoolkii koowaad ee aad xulatay, qoysasku waa inay codsadaan ugu dambeyn February 9, 2024. Dugsiyadu waxay qaban doonaan fursado iskoollada lagugu soo dhex wareejinayo (open house) inta lagu jiro bisha January iyo horraanta February; ka eeg jadwalka fursadda iskoolka lagugu tusayo spps.org/openhouses. Xog dheeraad ah oo ku saabsan iskoolladeenna aadka u fiican iyo arjiga onlaynka ah waxaad ka heli kartaa apply.spps.org.

Barnaamijka 3DE Oo Laga Billaabayo Labo Dugsi Sare Sannad-Dugsiyeedka Soo Socda

Laga billaabo dayrta soo socota, dhammaan ardayda fasalka sagaalaad ee Como Park Senior iyo Washington Technology Magnet waxay ka qaybqaadan doonaan barnaamij hal-abuur leh oo loo yaqaan 3DE oo uu diyaariyay ururka Junior Achievement North. Barnaamijku wuxuu fasalka keenayaa xirfadlayaal ardayda ka caawiyo inay wax ku bartaan qaab mashruucyo laga shaqeynayo iyo daraasadaha kiisas dhacay. Wax badan ka baro barnaamijkan cusub oo gal spps.org/3DE.

Daawo Fiidiyowga Kulankii Onlaynka ee Isu Duwaha Guud

December 4, Isu Duwaha Guud Gothard ayaa qabtay kulan onlayn ah halkaas oo uu la wadaagay xogo ku saabsan miisaaniyadda SPPS, isbeddellada ka muuqdo tirada ardayda isqoraysa, hindisihiisa qorshaha istaraatiijiyadeed ee SPPS Achieves Strategic Plan, iyo waxa ay degmadu dhawaan ka maqashay kulamada iyo ra'yi-uruurintii bulshada. Haddii aad seegtay kulanka, waxaad  ka heli kartaa fiidiyow la duubay iyo xogo qoran ee kulanka la socday boggan spps.org/suptmeeting

Xogaha Ilaha Cuntada Xilliga Fasaxa Qaboobaha

Adeegyada Nafaqada ee SPPS ma bixin doonaan cunto inta lagu jiro Fasaxa Jiilaalka. Degmada Ramsey ayaa soo uruurisay hagahan quseeyo goobaha u baahsan degmada St. Paul ee laga heli karo cuntooyinka bilaashka ah, goobaha qaybinta cuntada, iyo xogaha raashinka ee la qiimo-dhimay. Fadlan mid mid u la xiriir goobaha si aad u heshid faahfaahin dheeraad ah.

Hawlaha Ardayda ee Bilaashka ee Fasaxa Jiilaalka

Maktabadda Saint Paul Public Library waxay bixisaa barnaamijyo bilaash ah, oo tijaabo iyo tacliin leh kuwaasoo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada inta lagu jiro fasaxa jiilaalka. Maktabaddu waxay iskaashi la leedahay xarumaha Badwolf Adventure Studio, Children’s Theatre Company, iyo The Loft Literary Center, iyo kuwo kale, si ay u bixiyaan barnaamijyo xiiso leh sida wax midabaynta iyadoo biyo la adeegsanayo, qurxinta tiyaatarka iyo naqshadeynta agabka, Dungeons & Dragons, tababar ah qaabka loo diyaariyo qoraalka codsiga jaamacadda iyo waxyaalo kaloo badan. Booqo sppl.org/winter-break wixii xog dheeraad ah.

Ku soo Biir Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha ee Madaddaalada leh

Fasallo ay isugu jiraan dabaasha ilaa wax-karinta ah ilaa fasallo farshaxanka iyo farsadama ah ilaa fasallo jimicsiga ah ayaa diyaar ah. Isdiiwaangelinta fasallada jiilaalka ee Saint Paul Community Education waxay furan tahay hadda! Fasalka Waxbarashada Dadweynaha wuxuu noqon karaa haddiyad weyn ama hab aad u fiican oo loogu dabaaldego bilaha qabow ee Minnesota. Halkan ka fiiri buugga fasalladii u dambeeyay lagu ururiyay: spps.org/Page/44006.

Xusuusinta Taariikhaha Kaalanderka

  • December 25-January 3: waa Fasaxa Jiilaalka ee Crossroads Montessori

  • December 25-January 5: waa Fasaxa Jiilaalka ee iskoollada oo dhan laga reebo Crossroads Montessori