Return to Headlines

Soomaali: Wararka Hadda ka Socdo SPPS - November 30, 2023

Ku soo biir Isu Duwaha Guud Joe Gothard oo Kulan Onlaynka ku Qabanayo

Isu Duwaha Guud Joe Gothard wuxuu martigelin doonaa kulanka tooska ah ee onlaynka ah Isniinta, December 4, 5:30 p.m. Mawduucyada waxaa ka mid noqon doona SPPS Achieves iyo Qorshaha Badbaadinta Mareykanka ee American Rescue Plan, miisaaniyadda SPPS, iyo mudnaanta waxbarasho ee bulshada taasoo la soo ururiyay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Sidoo kale, dadka ka qeybgalaya waxay fursad u heli doonaan inay Isu Duwaha Guud su'aalo weydiiyaan. Si aad uga qeybgashid kulanka, booqo spps.eduvision.tv/LiveSched.aspx wakhtiga uu dhacayo kulanka. 

Warkii u Dambeeyay ee Miisaaniyadda Sannad-Maaliyadeedka 2025

Degmada SPPS waxay la xiriiraysay qoysaska, ardayda iyo shaqaalaha si loo ogaado waxa ay qiimeeyaan waxbarashada iyadoo qabatay kulamo bulshada ka qeybgashay iyo ra'yi-uruurinno la soo buuxiyay intii lagu jiray 2023. Falcelintii la ururiyay waxaa loo isticmaali doonaa in lagu wargeliyo go'aamada miisaaniyadda ee sannad-dugsiyeedka 2024-25. Fadlan booqo spps.org/fy25budget si aad u aragtid dulmar guud oo ah wixii aan kaa maqalnay iyo inad nala wadaagtid taladaada. 

Habeennada Filimka “The Right to Read”

Qoysaska waxaa lagu casuumay daawashada bilaashka ah ee bulshada ee dukumiinti la dhaho "The Right to Read" oo helay abaalmarin. Filinku wuxuu ka hadlayaa sheekooyin ku saabsan muhiimadda wax akhriska iyo sida akhrisku uga caawiyo ardayda inay ku guuleystaan iskoolka iyo nolosha. Habeennada filimka waxaa iskoolka Humboldt High School lagu qaban doonaa December 7 iyo iskoolka Central High School oo ah December 12. Wixii xog dheeraad ah iyo si aad isu diiwaangeliso si aad uga qeybgashid, booqo spps.org/righttoread.

Xulo Iskool aad Jeclaan Doontid!

Nagu soo biir Bandhigga Xulashada Iskoollada ee fasallada PreK-12 Sabtida, December 9, laga billaabo 9:30 a.m. ilaa 2 p.m. taasoo ka dhaceyso dhismaha weyn ee Saint Paul RiverCentre. Tani waa fursad weyn oo loogu talagalay qoysaska codsan doono iskoollada sannad-dugsiyeedka 2024-25 si ay ula kulmaan shaqaalaha oo ayna wax badan uga bartaan iskoolladeena, barnaamijyadeena iyo adeegyadeena. Wax badan ka ogow bogga spps.org/apply.

Agabka Xaydka oo Bilaash ah, looguna Talagalay Ardayda SPPS

Bilaha soo socda, Dugsiyada Saint Paul Public Schools waxay billaabi doonaan bixinta alaabada caadada oo aan wax kharash ah uga baxeynin ardayda. Alaabooyinkan waxaa laga heli doonaa suuliyada (musqulaha) ee ay sida joogtada ah u isticmaalaan ardayda dhigata fasallada 4 ilaa 12. Qeybinta agabkaan oo cusub waxay jawaab u tahay sharci cusub oo uu ansixiyay golaha sharci-dejinta ee Minnesota si loo wanaajiyo helitaanka agabka xaydka ee ardayda.

Xusuusinta Taariikhaha Kaalanderka

  • December 9: 2024-25 waa Bandhigga Xulashada Iskoollada ee Xarunta Saint Paul RiverCentre

  • December 25-January 3: waa Fasaxa Jiilaalka ee Crossroads Montessori

  • December 25-January 5: waa Fasaxa Jiilaalka ee iskoollada oo dhan laga reebo Crossroads Montessori