Return to Headlines

Soomaali: Wararka Hadda ka Socdo SPPS - November 9, 2023

Waxaynu Nahay SPPS: Ȟoká Máza

Chaske Henry iyo walaalkiis Robert Henry waa arday dhigata Dugsiga Harding High School iyo aasaasayaashii kooxda gurbaanka ee Ȟoká Máza. Iyagoo dhiirrigelin ka helaya ragga ka weyn, waxay isticmaalaan heeso fac ka fac loo soo gudbiyay si ay ula xiriiraan dhaxalkooda asaliga ah iyo inay bulshada la wadaagaan dhaqankooda. Waa hab lagu bogsiiyo dakharrada taariikhda isla markaana lagu maamuuso dhaqankooda, ma aha oo keliya inta lagu jiro bisha dhaqanka ee Native American Heritage Month, laakiin waa arrin mudan in sannadka oo dhan la muumuuso. 

U Dabaaldeg Akhriska iyo Qoraalka ee Barnaamijka SPPS Reads

Degmada SPPS waxay ku faraxsan tahay inay billowdo hindise cusub oo la yiraahdo SPPS Reads. Degmadu waxay sameyneysaa horumar si loo hormariyo dhaqanka wax akhriska iyo qoraalka iyadoo ardayda iyo qoysaska la siinayo ilo xogo si ay xiiso ugu qaadaan wax akhriska. Nagu soo biir habeenka filin daawashada ee soo socda si aad u daawatid barnaamij laga diyaariyay akhriska oo la dhaho "The Right to Read". Ka akhri taariikhaha habeenkan iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka SPPS Reads boggan spps.org/reads.

Kulamada Cusub oo Lagu Daray Kulamada Ka-qaybgalka Arrinta Miisaaniyadda

Waa ku mahadsan yihiin dhammaan qoysaska, ardayda, shaqaalaha iyo xubnaha bulshada ee ka qeybgalay kulanka ka qeybgalka wadahadalka miisaaniyadda si ay wax uga bartaan miisaaniyadda degmada ee sannadka soo socda isla markaa ay noo sheegaan waxyaalaha mudnaanta u leh waxbarashada ilmahooda. Xogihii la ururiyay xilligii ay socdeen kulamadan waxaa loo isticmaali doonaa in lagu wargeliyo go'aamada miisaaniyadda ee sannad-dugsiyeedka 2024-25. Hal kulan oo dheeri ah ayaa la qaban doonaa Khamiista, November. 16, iyo dugsiga Humboldt High School saacadaha 5:30 p.m. ilaa 8 p.m. Casho iyo carruur-hayn ayaa jiri doono. Fadlan iska diiwaangeli bogga spps.org/budget-engagement.

Mashruuca Ururinta Alaab-alaabeyda ee Project REACH Toy Drive

Mashruuca Project REACH wuxuu raadinayaa alaabta ilmaha ku ciyaaraan iyo haddiyado cusub oo loogu talagalay carruurta da'doodu tahay mid dhalad ah ilaa 18 sano jir. Hadiyadaha

waxaa la siin doonaa qoysas loo dhigto iskoollada SPPS oo wajahayo hoy la'aan. Hadiyadaha cusub ee aan la furin waxaa la keeni karaa 1021 Marion Street, Saint Paul, MN 55117, ama waxaad ka dalban kartaa inaad ka iibsatid liiska ay ku qoran yihiin waxyaalaha aynu doonayno. Markaad dalbatid ka dib, waxaa alaab-alaabeyda aad dalbatay lagu soo diri doonaa cinwaanka kor ku xusan.

Warkii u Dambeeyay ee Gorgortanka Shaqaalaha SPPS

SPPS waxay aaminsan tahay  inay dhammaan ardaydeena siiso waxbarashada ugu fiican ee suurtogalka ah. Si loo sii wado hadafkaas, SPPS waxay dejisay qaab hagitaan ah oo loogu talagalay wada-xaajoodka qandaraasyada ee ku aaddan 27 ka mid ah kooxaheenna shaqaalaha. Wax badan ka baro qaababkan inoo degsan, waxyaalaha mudnaanta u ah gorgortanka, iyo xaaladda wada-xaajoodkii u dambeeyay ilaa hadda adigoo gelaya spps.org/negotiations

Natiijooyinka Doorashada Guddiga Waxbarasho

Talaadadii, Novembar 7, codbixiyeyaasha St. Paul waxay doorteen afar musharrax si ay uga mid noqdaan Guddiga Waxbarashada ee SPPS. Musharrixiinta guusha loo saadaaliyay waa Chauntyll Allen, Yusef Carrillo, Carlo Franco iyo Erica Valliant. Carrillo, Franco iyo Valliant waxay noqon doonaan xubno cusub; Agaasime Allen dib ayaa loo doortay afar sano oo kale. Xubnaha cusub ayaa lagu dhaarin doonaa kulanka Guddiga Waxbarashada oo dhacayo January 9, 2024. Ka akhri taariikhaha kulanka soo socda, ajendayaasha, nuxurka kulamadii hore iyo duubista bogga spps.org/boe.

Securly Home: Su'aalaha Soo Noqnoqda

Barnaamijkan Securly waa mid shaandheyn ku sameeyo intarnedka oo wuxuu ardayda ka xannibaa inay galaan bog waxyeello leh iyo sidoo kale waxaa lagu qaabeeyay hab in inuu aqoonsado khataraha ardayga ku xambaari karo inuu naftiisa waxyeelleeyo, handadaadda lagu sameeyo, iyo rabshadaha. Isbeddellada sharciga gobolka Minnesota awgood, degmada SPPS waxay aaladda awood u siisay farsamo cusub oo loogu yeero Kor u Qaadidda Habka Asturnaanta Xogaha Ardayga. Waxaynu cusbooneysiinnay su'aalaheenna soo noqnoqda si aynu uga jawaabno qaar ka mid ah su'aalahaaga ku saabsan Securly iyo wixii ka cusub Kor u Qaadidda Habka Asturnaanta Xogaha Ardayga. 

Macluumaadka Cuntada ee Thanksgiving

Degmada SPPS ma bixin doonto wax cunto ah Khamiista ama Jimcaha, November 24-25. Fadlan booqo spps.org/ns si aad u heshid faahfaahin ku saabsan goobaha laga heli karoo cuntada ka hor iyo inta lagu jiro maalmaha fasaxa.

Xusuusinta Taariikhaha Kaalanderka

  • November 9: Dhammaadka Rubuca 1-aad ee Simistarka
  • November 10: Iskool u ma Jiro PreK-5 oo waa shirarka waalidka iyo macallimiinta. Iskool uma jiri doono Crossroads Montessori
  • November 22: Iskool uma jiri doono Crossroads Montessori
  • November 23-24: Iskool uma jiri doono dhammaan dugsiyada/fasallada xilliga lagu jiro fasaxa Thanksgiving