Ardayda barata luqada Ingiriiska ee yaqaana luqad kale waxay heli karaan koorso jaamacadeed

  • Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul (SPPS) ayaa ah degmada ugu horreysay waddanka ee aqoonsata ardayda ku hadli karta, akhriyi karta islmarkaana qori karta luqado badan. Aqoonsigan wuxuu ku imanayaa qaab ah in la siiyo shahaado iyo waxa loo yaqaano (Seals of Bilingualism) oo lagu muujiyo shahaadada dugsiga sare, taas oo u horseedi karta in ardaygu kaga helo koorso jaamacadaha gobolka minnesota (Minnesota State Colleges and Universities).

    Golaha sharci dajinta ee gobolka ayaa meel mariyay sharciga loo yaqaano Learning English for Academic Proficiency and Success (LEAPS) Act sanadkii 2014, ka dib markii macallimiin ka socday Xafiiska Luqadaha ee SPPS ay ka marqaati-fureen golaha hortiisa. Sharciga LEAPS wuxuu ardayda barata luqada Ingiriiska siinayaa fursad ay ku heli karaan koorso iyadoo loo qiimmaynayo luqaddii ay horey u yaqaaneen.

    Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota ayaa u suurta-galisay in ay SPPS isu keento dadka ku hadla una dhashay luqadaha Hmong, Karen iyo Soomaali si loo sameeyo imtixaan luqadeed oo qaatay in ka badan labo sano. Markii ugu horreysay waxaa ardayda loo soo bandhigay imtixaanada luqadahan xilligan gu’ga, iyadoo imtixaanadani ku biirayaan imtixaanada luqadaha Spanish, French, Portuguese iyo Chinese oo ay hay’adda American Council on the Teaching of Foreign Languages horey u samaysay.

    Wali waxaa la diyaarinayaa imtixaanada luqadaha Ojibwe, Tamil, iyo luqado kale. Sidoo kale, ardaydu waxay heli karaan waxa loo yaqaano (Seal – in shahaadadooda lagu muujiyo) haddii ay ka qayb-galaan barnaamijka International Baccalaureate (IB) ama Advanced Placement (AP) Language test.

    Marka laga reebo ardayda ka qayb-qaadatay barnaamijyada IB ama AP Language tests, 83 arday ayaa lagu imtixaamay toddobo luqadood waxayna natiijada ogaan doonaan usbuucan. Ardayda fasalka labo-iyo-tobnaad waxaa hawl-qabadkooda lagu xusi doonaa xafladda ardayda fasalka labo-iyo-tobnaad ee ka dhici doonta iskuulkooda xilligan gu’ga. Ardayda doonaysa inay qaataan imtixaanka sanadaha soo socda waxay la xiriiri karaan macallimiintooda ama lataliyeyaashooda.

    Minnesota waa gobolka kaliya ee ay sharci tahay in ardayda taqaanna luqad aan Ingiriis ahayn ay kaga heli karaan koorso Minnesota State Colleges and Universities (oo horay loo oran jiray MnSCU).                                             

    Waxayna u badantahay in degmada Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul ay tahay degmada kaliya ee diyaarsatay imtixaannada luqadaha ee u gaarka ah, si loo hubiyo in ardayda barta luqada Ingiriiska, kuwaas oo intooda badan ku hadla luqado aan wali loo samaynin imtixaano rasmi ah ay helaan koorsada ay xaqa u leeyihiin. 

    “Waxaan hubnaa in waddanka aysan ka jirin degmo kale oo intan oo luqadood ku bixisa qiimayn iyo imtixaan. Tani waxay caddayn u tahay sida ay nooga go’antahay caddaladda iyo sinnaanta,” ayay tiri Mary Ojala, oo ah Indigenous and World Language Teacher on Special Assignment. Waxay intaa ku dartay, “Maadaama oo barashada luqadaha iyo dadka ku hadla luqado kala duwan ay SPPS hodan ku tahay, arrintani waxay noo tahay mid aan ku faraxsannahay kuna faani karno.”